Golaha Wasiiradda oo ansixiyay Hindise Sharciyeed muhiim ah ka hor inta aanan loo gudbin Baarlamaanka Soomaaliya

Kulan ay Muqdisho ku yeesheen Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa lagu ansixiyay Hindise Sharciyeedka Tirakoobka Dadweynaha . Ansixinta ka hor, wasaaradda u xilsaaran xeerkan ayaa warbixino faahfaahsan u soo bandhigtay golaha.

Hindise sharciyeedkan oo ah mid xasaasi ah oo hadda ay ansixiyeen Golaha Wasiirada ayaa u gudbi doona labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si ay u sii baaraan.

Iyadoo ay socdaan doodo ku saabsan arrimaha sharci dejinta, kulanka ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay arrimaha ammaanka, Warbixinno ku saabsan howlgallada socda ee ka dhanka ah dagaalyahannada Al shabaab ayaa waxaa soo bandhigay wasaaradaha amniga gudaha iyo gaashaandhigga, iyagoo si guud u faah faahiyay horumarka laga gaaray dagaalka lagula jiro dagaalyahannada Al shabaab.

Markii Golaha Wasiirada ay soo gaba gabeeyeen kalfadhigoodii, waxaa la soo jeediyay in si deg deg ah looga wacyi geliyo xaaladaha adag ee ka dhashay roobabkii dayrta iyo fatahaadaha Wabiyada Shabeelle iyo Jubba. Kumanaan kun oo qof ayaa si xun u saameysay, waxaana soo jeedintu ay dooneysaa in la abaabulo dadaallo wax looga qabanayo caqabadaha ka dhalan kara masiibooyinka dabiiciga ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed