Golaha Wasiiradda Jabuuti oo kulan ka yeeshay xaaladda Soomaaliya iyo Itoobiya isla markaana taageeray go’aankii dowladda

Golaha Wasiirada Jabuuti ayaa isugu yimid kalfadhigoodii ugu horeeyay ee Golaha Wasiirada sanadka 2024-ka, waxaana looga hadlay arrimo quseeya gobolka, gaar ahaan heshiiskii Itoobiya ay dhawaan la gashay Somaliland ee ku saabsanaa gelitaanka badda

Wasiiradda  Jabuuti ayaa waxaa taageero buuxdo loogu muujiyay, Midnimada iyo Maxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya, sida uu daabacay wasiirka Maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaale.

Qoraalka ayaa lagu yiri ” Goluhu wuxuu si adag ugu celceliyay mabda’a aan leexleexa lahayn ee Djibouti ee taageeridda midnimada Soomaaliya, wadajirka dhuleed, iyo madax-bannaanida Mawqifkani waxa uu ku soo beegmay xilli xasaasi ah oo uu gobolku la daalaa dhacayo caqabado kala duwan oo ay ka mid yihiin arrimo amni iyo in loo baahan yahay xasilooni siyaasadeed.”

Bayaanka uu ku daabacay barta X wasiirka ayuu ku sheegay mabda’a aan leexleexadka lahayn ee dalka Jabuuti, kaasoo lagu taageeriyo madaxanaanida dhuuleed ee Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaale , isaga oo intaas raaciyay in war-murtiyeedka rasmiga uu soo saari doono afhayeenka xukuumadda Jabuuti.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed