Golaha Wasiirada oo Ansixiyay Jiheynta Hannaanka Doorashooyinka Soomaaliya.

Raiisal Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta shir guddoomiyay shirka Toddobaad la ah ee Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta looga hadlay hannaanka wax looga beddelaayo doorashooyinka dlaka oo ay dhawaan soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran, arrimo kale oo qeyb ay ka tahay Miisaaniyadda dowladda ee sannadkaan, waxaa kale oo lagu soo hadlay Ansixiinta masuuliyiin la magacabay.

Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada  ayaa lagu ansixiyay Jiheynta Hannaanka Doorashooyinka dalka, dib-u-eegista ku talagalka Miisaaniyadda Dowladda 2023, magacaabista Maamulka Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha iyo magacaabista maamulka Hey’adda Qaxoootiga iyo Barakacayaasha Qaranka.

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed