Golaha Wakiilada Somaliland oo war-murtiyeed ka soo saaray hishiiskii Itoobiya doorashooyinka isla markaana eed u jeediyay dowladda Soomaaliya

Xildhibaannada Isbaheysiga Golaha  Wakiilada Somaliland ayaa soo saaray war-murtiyeed ay ku taageerayaan hishiiskii dhexmray Muuse Biixi iyo Abiy Axmed ku dhexmaray dalka Itoobiya, kaasoo dhaliyay hadal heyn xooggan oo gobolka, sidoo kale waxay soo saareen arrimo ku saabsan xeerarka doorashooyinka maamulkaas.Bayaan ayaa dhanka kale eed loogu jeediyay dowladda Soomaaliya.

War-murytiyeedka ayaa laga soo saaray qodobadaan:

1. In ay xildhibaanadani u midoobaan waajib gudashadooda dastuuriga ah si loo gaadho
himilooyinka qarankan ee kala ah: Aqoonsi, horumar, iyo nabad.

2. In ay xoojiyaan la-xisaabtanka Waaxda Fulinta oo ku dhereran xadka iyo baaxadda
Dastuurka iyo xeerarka dhaqan-galka ah iyagoo si gaar ah xooga u saaraya dhinacyada
arrimaha nabadgelyada iyo difaaca, doorashooyinka, heshiisyada iyo is-afgaradyada
caalamiga ah, iyo maamulka maaliyadda iyo ilaalinta hantida Qaranka.

3. In ay xaqiijiyaan hirgelinta heshiiskii soo afmeeray murankii doorashooyinka isla markaana

hubiyaan in Doorashooyinkii Madaxtooyada iyo Ururada Siyaasadda ee ku mudaysnaa
Bisha 11aad ee 2024 ay ku qabsoomaan wakhtigoodii

4. In arrinta Gobolka Sool lagu soo dabaallo wada hadal, nabad iyo hannaan siyaasi ah.
Ugu dambayn:

1. Dalka Jamhuuriyada Somaliland waxa uu leedahay hayado Dastuuriya oo ku yimid
doorasho shacab, waxaanan halkan ku canbaaraynaynaa fargelinta joogtada ee Dawlada
Somaliya.
2. Xildhibaanada Aqlabiyadda Golaha Wakiiladu waxay go,aansadeen in qaraar gole lagu soo
saaro jawaabta ku haboon siyaasaddaa guracan ee Somaaliya kula dhaqanto
Soomaalilaan.

3. Waxay ka sugayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaalilaan in, si waafaqsan Qod.
53aad, Faq. 3aad, ee Dastuurka, uu Golaha Wakiilada degdeg usoo gaadhsiiyo heshiisyada
iyo is-afgaradyada uu saxeexay ee aan weli Goluhu ansixin, gaar ahaan is-afgaradkii
Itoobiya ee dhawaan dhacay.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed