Golaha Wakiilada Somaliland oo ansixiyay xeerark cusub ee doorashooyinka maamulkaas

Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta cod caqlabiyad ah ku ansixiyay xeerka doorashooyinka isku sidkan ee mataxdtinimada iyo ururada oo ay dhawaan  soo saareen odayaasahii dhexdhexaadinta maamulkaas,

Waxaa is beddel lagu sameeyay xeerarka guud ee doorashooyinka iyo diiwaan gelinta codbixiyaasha, oo markii hore ka koobnaa  154 qodob, waxana lagu soo kordhiyay 13 qodob oo cusub sida uu sheeegay  Xildhibaan Cabdinaasir Qodox oo kamid ah guddiga uu golahu u saaray wax ka beddelka xeerarka doorashooyinka Somaliland.

Arrintaan ayaa ka dhigeysa markii kowaad ee la sameeyay xeer ogolaanaya doorashada madaxtooyada iyo ururada kuwaas oo noqonaya kuwa isku sidkan, waxana lagu daray qodob sharaxaya qaabka loo qabanayo doorashooyinka, xeerkaan ayaa awdood gooni ah siinaya guddida doorashooyinka.

Sidookale,  waxaa la yareeyay 35 qodob oo kamid ah Xeer 91-aad ee doorashooyinka kaas oo hore u jiray, waxana lagu daray macluumaad dheeri si loogu dabaqo nidaamka doorashooada cusub.

Xeerkan la beddelay  ayaa ka yimid  soo jeedin ay sameeyeen odayaasha dhaqanka Somaliland, xeerka ayaa dhaqangal noqonaya marka ay golaha guurtidu ogolaadaan, madaxweynuhuna saxeexo.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed