Golaha Wadatashiga Qaran oo bixiyay macluumaad ku saabsan hannaanka lagu bilaabayo howlgallada wajiga 2-aad iyo xiritaanka kan 1-aad

Golaha Wadatashiga Qaranka ee Soomaaliya ayaa si xooggan u taageeray howlgallada ka dhanka ah Al shabaab, in la sii wado wajiga 1-aad lagana saaro deegaannada ay ka heystaan maamulada dariska ah ee Galmuudg iyo Hirshabeelle, iyada oo wajiga 2-aad laga bilaabayo maamulada Jubaland iyo Koofur Galbeed.

Dhammaan Golaha Wadatashiga Qaran ee ku kulmay Dhuusamarreeb ayaa  shaaca ka qaaday in la dardargeliyo howlgallada oo aanan la joojin si fursad aysan u helin kooxda Al shabaab oo wajahesa culus kaga imaanaya ciidamada isku dhafka ah ee dowladda iyo kuwa deegaanka, oo lagu lifaaqay duqeymaha cirka oo ay fulinayaan saaxiibada caalamiga ah ee taageeraya dowladda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in ay ka go’an tahay Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah si loo ciribtiri lahaa Al shabaab in ay u taagan yihiin, sida uu ka sheegay Dhuusamarreeb.

Si kastaba, dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe wadday howlgallo culus oo ka dhan ah ururka Al shabaab.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed