Golaha Sare ee SSC-Khaatumo ayaa maanta oo Sabti ah ku dhawaaqay in maamulka cusub ee SSC-Khaatumo uusan kasii mid ahaan doonin maamul goboleedka Puntland ee Waqooyiga Soomaaliya.
Golaha dhaqanka ayaa sheegay in uusan jirin musharax ka soo jeeda SSC-Khaatumo oo u tartami kara madaxweyne ku xigeenka Puntland, waxayna ugu baaqeen labada xubnood ee ka soo jeeda SSC-Khaatumo ee ku jira guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta baarlamaanka Puntland in ay is casilaan.
Goluhu waxa uu go’aankan ka soo saaray shir ay ku yeesheen magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka (Sool, Sanaag, iyo Cayn) ee loo yaqaan SSC-Khaatumo.
Goluhu wuxuu diiday in lasoo xulo xildhibaano u diri doona baarlamaanka cusub ee gobolka, waxayna ka digeen in beelaha Dhulbahante laga soo qoro magaalooyinka kale ee deegaanka. Waxa ay carabka ku dhufteen in dhamaan odayaashii saxiixi jiray isla markaana ansixin jiray xildhibaanada baarlamaanka Puntland ay si wada jir ah u go’aansadeen in aan wax xildhibaan ah loo diri karin Puntland.
Ugaaska guud ee beelaha dega gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa ku dheeraaday midnimada iyo wadajirka shacabka SSC-Khaatumo. Waxa uu sheegay in dadkiisa ay ku taamayaan in la helo maamul ka gooni ah Somaliland iyo Puntland.
Bishii February ee sanadkan ayay ahayd markii madax dhaqameedka gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ay kaga dhawaaqeen magaalada Laascaanood in saddexda gobol aanay ka mid noqonayn Somaliland. Waxay go’aansadeen in deegaanada SSC-Khaatumo ay ka tirsan yihiin jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, una taagan yihiim midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Wixii intaa ka dambeeyey waxaa magaalada Laascaanood ka dhacay dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo ciidamada deegaanka ee SSC-Khaatumo oo deegaan ahaan u dhexeeya Somaliland iyo Puntland. Iskahorimaadkan ayaa sababay dhimashada boqolaal qof, in ka badan saddex kun oo dhaawac ah, iyo barakaca in ka badan nus milyan qof.
Bartamihii sanadkan ayay ahayd markii ciidamada SCC-Khaatumo ay ka saareen ciidamada Somaliland deegaanada SSC-Khaatumo ka dib dagaal mudo 8 bilood ah dhexmaray labada dhinac. Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlayey maalin ka dib markii ciidammada SCC ay la wareegeen gacan ku haynta saldhigga ugu weyn ee Somaliland ee Goojacade oo ka baxsan magaalada Laascaanood, ayaa qiray in dib u dhac weyn ay ciidamadiisu kala kulmeen dagaalladii ka dhacay agagaarka magaalada Laascaanood.
HBN NEWS DESK