Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay oo kulan degdeg ah ka yeelanaya dagaalka Gaza

Kulanka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa dhici doona Talaadada soo socota- iyadoo Masar iyo Mauritania ay soo jeediyeen  Qaraarka Qaramada Midoobay ee 377 ‘Uniting for Peace’ si loogu baaqo kulan degdeg ah.

193-xubnood oo ka tirsan Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqay in ay kulan gaar ah ka yeelan doonaan dagaalka Qaza oo dhici doona maalinta Talaadada ah ee December 12-keeda, sida lagu xaqiijiyay war-saxaafadeed uu soo saaray Madaxweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay Axadii shalay.

Masar iyo Mauritania waxay si rasmi ah u codsadeen kulan loogu baaqayo Qaraarka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 377 “Uniting for Peace” warqad ay u direen Madaxweyne Francis.

Warqadda ayaa lagu sheegay baahida loo qabo in dib la isugu soo laabto ka dib markii “xubin joogta ah oo ka tirsan Golaha Ammaanka” uu diidey qaraarka xabbad joojinta Gaza ee Golaha Ammaanka,  iyada oo tixraacaysa codka muranka badan ee Maraykanka ee didmada qayaxan.

Qaraarka tirsigiisu yahay 377 ayaa u oggolaanaya Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in uu tallaabo qaado mar kasta oo ay jirto calaamad muujinaysa in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ku guuldareystay in uu “fuliyo mas’uuliyadda koowaad ee ilaalinta nabadda iyo ammaanka caalamiga ah”.

Qaraarkan waxaa markii ugu horreysay qaatay Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay 1950kii.

Talaabadan ayaa timid kadib markii Mareykanka uu diidey codsigii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ahaa xabbad-joojin degdeg ah oo bini’aadantinimo oo laga sameeyo Gaza.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed