Golaha Guurtida Somaliland oo ansixyay xeerar muhiim ah oo la wada sugayay kaas wax ka beddelaya xiisada siyaasadeed ee maamulkaas

Golaha Guurtidu Somaliland ayaa ansixisay xeerarkii doorashada maamulkaas, kaddib dood dheer oo ay ku yeesheen magaalada Hargeysa, xeerkaan ayaa in muddo ah horyaal Golaha, basle maanta ayey meel mariyeen.

Arrintaan ayaa  ka dhigan in labada gole ee baarlamaanka Somaliland iyo guurtidaba ay soo dhamaystireen xeerarkii doorashada , talaabada xigta ay noqon doonto in la horgeeyo madaxweynaha si uu u saxeexo dhammaan xeerarka la meel mariyay, si uu dhaqan gal u noqdo.

Doorashooyinka ururada siyaasadda iyo madaxtooyada oo dib u dhac ku yimid ayaa la qorsheeyay in Somaliland laga qabto dhamaadka sannadkan 2024, gaar ahaan bisha 11-aad.
Cabdirxamaan Cirro oo kamid ah xasbiyada mucaraadka Somaliland ayaa soo dhaweeyay tallaabada ay qaadeen maanta Golaha Guurtida, waxaan uu ku baaqay in shacabka reer Somaliland ayt u diyaar garoobaan doorashda.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed