Golaha Dhaqanka SSC oo war ka soo saaray geerida Abwaan Jaamac Kadiye

Golaha sare ee dhaqanka maamulka SSC- Khaatumo ayaa war ka soo saaray geerida Abwaan Jaamac Kadiye oo maanta ku dhintay madaafiic lagu duqeeyay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, sida lagu xusey bayaan ka soo baxay golaha.

Bayaanka caawa ka soo baxay Golaha Dhaqanka ayaa lagu yiri “Golaha Sare ee Dhaqanka ee SSC Khaatumo wuxuu ka tacsiyeynayaa geerida ku timid Abwaan Jaamac Kadiye Cilmi oo caawa abbaare 6pm (Lixdii Maqribnimo) ku geeriyooday madaafiicda arxan-darrada ee ay maleeshiyada Muuse Biixi ku garaaceen magaalada Laascaanood”

Bayaanka ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in goluhu ka tacsiyaynayo geeridii Amiir Jaamac Maxamed Digaale oo isaga iyo 8 kale oo shacab ah ku geeriyoodeen duqeyn 14-kii bishan waa sida bayaanka lagu yiri maleeshiyada Somaliland ku beegsadeen goob dadweyne, xarumaha caafimaadka iyo ganacsiga.

Bayaanka ka soo baxay golaha dhaqanka SSC Khaatumo ayaa waxaa ugu dambeyntii lagu yiri “Ficillada noocan ah ee maamulka Somaliland ku bartilmaamaysanayo goobaha dadka rayidka ah waxa ay caddeyn u yihiin cadowtinimada gaamuurtay shacabka dadka SSC Khaatumo.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Somaliland oo ku aadan bayaankan.

Warqabadka HBN Online TV 

Image

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed