Golaha Ammaanka ee QM oo la hor geeyay dood ku saabsan in la qaado cunaqabateynta hubka Soomaaliy loogana war-bixiyay xaaladda SSC-Khaatumo

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cismaan ayaa khudbad uu ka jeediyay Golaha Ammaanka waxa uu ku baaqay in la qaado cunaqabateynta hubka ee saaran dalka tan iyo sanadkii 1992-kii, maaddaamo dowladdu ay ku jirto dagaal xooggan oo dalka looga ciribtiraayo Al shabaab.

Abuukar Baalle ayaa  sdioo kale ka war-bixiyey xaaladda SSC-Khaatumo oo qayb ka ahayd warbixintii Soomaaliya ee ay ergayga Qaramada Midoobay Katrina Ling u gudbisay Golaha Ammaanka, taas oo ay hore u cambaaraysay duqeyntii Somaliland ka geysatay Laascaanood.

Safiirka ayaa ku baaqay in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka ee mudada dheer saarneyd, isagoo tusaale u soo qaatay isbadalka iyo horumarka ka jira dalka, kaasi oo ku yimid dadaalada ay dowladdu ku bixineyso sugida amniga.

Wuxuu soo dhaweeyay aqoonsiga maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo, wuxuuna ku booriyay xafiiska UN-ka ee Soomaaliya UNSOM iyo saaxiibada caalamka inay taageeraan maamulkan cusub si waafaqsan siyaasadda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Danjire Abuukar Baalle ayaa rajo ka muujiyay dadaallada wadajirka ah ee dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada beesha caalamka ee lagula dagaallamayo Al-shabaab oo uu sheegay inay khatar ku yihiin ammaanka dalka iyo gobolka Geeska Afrika.

Xayiraadda hubka ayaa dowladda ka hor istaagtay inay soo iibsato hub culus oo lagu qalabeeyo ciidamada qalabka sida, kuwaasoo la filayo inay kala wareegaan ATMIS bisha December 2024-ka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed