Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo kulan muhiim ah ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya

Dhamaadka Bishan Octobar ayaa Golaha Amaanka waxa ay yeelan doonaan kulan looga hadlayo Xaalada ee Soomaaliya, sida Amniga, La dagaalanka Al-Shabaab, Bini’aadantinimada iyo arimo kale oo la xiriira Siyaasada iyo Doorashooyinka soo socda.

Sidoo kale, Golaha Ammaanka ee QM ayaa la filayaa inay kordhiyaan Hawlgalka Kaalmaynta QM ee Somalia (UNSOM) oo hore ugu ekaa 31-ka bishan October. Sidoo kale, Guddoomiyaha Guddiga Cuna-qabataynta Al-shabaab, Ambassador Ishikane Kimihiro ayaa la filayaa inuu Golaha warbixin ka siiyo  oo ku saabsan xaaladda amni ee Soomaaliya.

22-kii bishii June ee sanadkan ayuu Goluhu yeeshay kulan xog wareysi ah oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya. Ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya iyo madaxa UNSOM Catriona Laing; Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ahna madaxa ATMIS, Maxamed El-Amine Souef, ayaa warbixinno kala duwan ka jeediyay kulanka.

Laing ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay arrimaha mudnaanta u leh Qaranka oo ay ka mid yihiin guulihii laga gaaray dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo dhismaha guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo dhaqan gelinta dastuurka.

Waxay tilmaamtay dhowr arrimood oo muhiim u ah UNSOM, oo ay ka mid yihiin isu keenida dadaallada beesha caalamka ee lagu xasilinayo dalka, mudnaanta la siinayo taageerada hannaanka dowlad-dhisidda gaar ahaan kuwa la xiriira doorashooyinka, iyo taageeridda dadaallada socda ee lagu xallinayo colaadda Laascaanood. Iyada oo muddo 8 bilood ah ayey ku qaadatay SSC iyo maamulka Somaliland in ay dagaallamaan.

Warqad qoraal ah oo loo diray Madaxweynaha Golaha Ammaanka 19-kii September, ayay dowladda Soomaaliya ku dalbatay in muddo saddex bilood ah la hakiyo bixitaanka 3,000 oo askari oo ka tirsan ATMIS-ka oo la filayay inay dalka ka baxaan dhammaadka bishii hore.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed