Golaha Amaanka oo diyaarinaya kullan looga arinsanayo Nuclear-ka Iiraan

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa isugu imaanaya kullan weyne ay yeelan doonaan si ay uga wada hadlaan kaydka uranium ee Iiraan ee ku dhow heerka lagu farsameeyn karo hubka sida aadka ah wax u gumaada ee Nuclear-ka.

Golaha Ammaanku waxa uu qorsheynaya inuu dhaco kullankan maalinta Arbacada ah, si ay u lafa guraan arimaha ay ka midka yihiin kororka xowliga ah ee ku aadan kaydka uranium ee Iiraan, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Reuters, iyadoo tixraacaysa ilo diblomaasiyadeed.

Lix ka mid ah 15-ka xubnood ee Golaha Amaanka oo ay ka mid yihiin dalalkaFaransiiska, Giriigga, Panama, Koonfurta Kuuriya, Boqortooyada UK iyo Mareykanka ayaa dalbaday in la isugu yimaadk kulankan.

Xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobah sidoo kale waxay rabaan in Golaha uu ka wada hadlo waajibaadka Iiraan ee ah in ay bixiso “macluumaadka lagama maarmaanka ah si loo caddeeyo arrimaha aan la soo bandhigin ee la xiriira walxaha nukliyeerka ee aan la shaacin ee laga helay meelo badan oo Iiraan ah,” sida ay sheegeen diblomaasiyiinta.

Hay’adda Tamarta Nukliyeerka ee Caalamiga ah ee magaceeda loo soo gaabiyo (IAEA) ayaa ka digtay in Iiraan ay si “si xowli ah” u kordhinayso soo saarista uranium ilaa 60 boqolkiiba oo nadiif ah, taasi oo ku dhow heerka 90 boqolkiiba ee loo isticmaalo in laga farsameeyo hubka.

Bishii Febraayo, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil Gideon Saar ayaa ka digay in “ikhtiyaar ciidan” laga yaabo in loo baahdo si loo joojiyo awoodda nukliyeerka ee Iiraan, isagoo sheegay in Tehran ay soo saartay uranium ku filan oo ay ka sameysan karto “bombooyin dhowr ah”.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed