Go’aankiii Maamulka Gobolka Banaadir ee Bajaajta oo Hirgalay iyo Digniin La Soo saaray

Gobolka Banaadir waxaa ka dhaqan galay  go’aan horray uu u soo saaray maamulka gobolka kaas oo ahay in mootooyinka loo yaqaan Bajaajtain  ay u kala shaqeyaan maalin dhaaf nuucyadda A iyo B kuwaas oo loo sameyay Summad lagu kala garan karo.

Magaalada Muqdisho maanta hal nuuc oo bajaaj ah ayaa ka shaqeyneyso waana nuuca  A kuwaas oo oo iyaga lagu bilaabay qorshahaan, berrito waxaa lagu wadaa in ay shaqeyaan nuuca B oo aanan maanta la arag.

Go’aankaan waxaa horay u soo saaray golahq Wasiiradda kahor inta uusan dhaqan galin maamulia gobolka Banaadir kaas oo fuliyay go’aankaan, waxana maanta laga war sugayaa sida ay noqon doonto Saxmadii magaalada Muqdisho dhibaato xooggan lagu qabay xilliyada.

Dhanka kale Maamulka  gobolka Banaadir ayaa sheegay Bajaajta aan soo marin habraaca  loogu tala galay diiwaan-gelinta iyo Summada  ee la qabto la ganaaxi doono lacag dhan $100.

Halka Mooto Bajaajta la diiwaan galiyay laakiinse la qabto iyada oo shaqeyneyso maalin aan loo asteyn in qoorta loo galin doono ganaax lacag oo  dhan $100, sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka gobolka Banaadir.

Si kastaba, Shacabka ku nool magalaada Muqdisho ayaa horay u soo dhaweeyay habkaan loo maareyay Bajaajta gobolka Banaadir taas oo jaam xooggan galisay isku socodka magaaalada.

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed