Garowe oo ay soo galeen ciidamo hubeysan kuwaas oo kala taabacsan mucaraadka iyo xukuumadda iyo barakac bilaawday

Ciidamo hubeysan oo ka tirsan mucaaradka Puntland ayaa saaka  dhaqdhaqaaq ciidan ka bilaabay magaalada Garoowe, isla markaana ku eedeeyay madaxweynae Siciid Cabdullaahi Deni inuu ciidamo dheeraad ah iyo gaadiid dagaal soo geliyay magaaladaas oo xarun u ah maamulka Puntland, xaaladda ayaa ah mid kacsan maanta, iyada oo maagaalada lagu arkayo ciidaamo hubeysan ee kala taabacsan xukuumadda iyo mucaraadka.

Talaabada militari ayaa sababtay in qoysas badan ay ka barakacaan guryahooda iyagoo ka cabsi qaba dagaal, saameyn ku yeesho noloshooda, kana cabsi qabo in iska horimaad uu dhexmaro dagaal, sidii horey u dhacday dhowr jeer.

Sida laga soo xigtay dadka deegaanka, dadku waxay aad uga walaacsan yihiin natiijada doodii baarlamaanka ee Isniintii ee wax ka bedelka xeer hoosaadka doorashada, oo berri lagu wado in ay meel qamriyaan sharciga doorashada.

Talaabadan ciidanku qaaday ayaa kusoo beegmaysa maalin kadib markii madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu ku baaqay in wadahadal lala galo mucaaradka kadib markii ay si kali ah u shaaciyeen jadwalka doorashada baarlamaanka iyo madaxweynaha.

Madaxweyne Deni ayaa muujiyay rabitaankiisa ah in uu wada xaajood ka galo si looga hortago khilaafaad kale oo ka dhasha doorashooyinka maamul goboleedyada ee la qorsheeyay horraanta sanadka soo socda. Waxa uu carabka ku adkeeyay in uu diyaar u yahay in uu soo gudbiyo hadii looga adkaado wada hadalka.

Balse hadalkaas ayaa waxaa gaashaanka u daruuray mucaraadka oo sheegay in kaliya ay doonayaan in doorashadu ay waqtigeeda ku dhacdo.

20-kii bishii June ee sanadkan waxaa magaalada Garoowe ka dhacay iska horimaad u dhaxeeyay ciidamada labada garab, waxaana ku dhintay in ka badan 30 qof oo rayid u badnaa. Ilaa hadda ma jirto cid si rasmi ah uga hadashay khasaaraha soo gaaray dadka rayidka ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed