Garoonkii diyaraaha magaalada Beledweyne ee Ugaas Khaliif oo xiran

Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in  48 saac la soo dhaafay uu xiran yahay garoonka diyaraadaha magaaladaas ee Ugaas Khaliif, oo aysan ka soo dagin wax diyaarad ah marka laga reebo kuwa gaarka ah ee howlgalka  ATMIS ee ku sugan halkaasi.

Xirnaashaha garoonka ayaa lagu sababeeyay khilaaf soo kala dhex galay masuuliyiinta maamulka Hirshaabeelle, kaas oo salka ku haya lacagaha canshuuraha ee laga qaado garoonka diyaardaha magaalada Beledweyne, hannaanka loo maareynayo canshuurta ayaa dhalisay muran xooggan oo keenay xirnaashaha garoonkaas, sida ay sheegeen shirkadaha diyaaradaha ee ka howlgallo Hiiraan.

Mid ka mid ah masuuliyiinta shirkadaha diyaaradaha oo diiday in magaciisa aan shaacinno ayaa sheegay in khilaafkaan uu u dhexeeyo  madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Hirshabeelle Muuse Salaad, kuwaas oo isku khilaafay arrimaha maamulka lacagaha ka soo xaroodo garoonka.

Ilaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin maamulka Hirshabeelle ee ku aaddan xirnaashaha garoonka diyaaraha magaalada Beledweyne, arrintaas ayaa saameyn ku yeelatay dadka shacabka ah ee maalin walbe ka soo baxo garoonka, kana soo dago, iyo sidii kale shirkadihii gacanacsiga ee diyaaraha.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed