Garaad Jaamac Garaas Cali oo Furiin Culus U Diray Somaliland.

Isimmada Magaalada Laascaanood ayaa mar kale ku celiay in Soomaaliland Ciidankeeda ay kala baxdo deegaannada SSC ee Khaatumo, iyaga oo baaq horleh soo saaray, kaas oo ay ka sii daayeen Warbaahinta.

Garaadka Guud ee SSC Garaad Jaamac Garaad Cali, ayaa cod dheer ugu baaqay in  Somaliland ay ka baxdo guud ahaan deegaanada SSC.

“Intaan wiilasheenu isku dhamaan guryihiina ku noqda” ayaa sidaasi yiri. Waxaa kale oo uu ku nuux nuux saday inta aysan dhicin dhibaato xooggan iyo dagaalo hor leh in Hoggaanka Soomaaliland ay garawsadaan dib u laabasho.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya iyada oo wili Ciidanka Soomaaliland ay ku sugan yihiin duleedka Laascaanood, wilina aan wax xal ah laga gaarin dagaalkaan muddada seddexda bila ah Soconaya.

HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed