Garaad Jaamac Garaad Cali oo digniin culus u diray maamulka Somaliland

Garaad Jaamac Garaad Cali oo ka mid ah golaha dhaqanka ee SSC iyo Khaatumo, ayaa digniin culus u diray Somaliland, xilli xiisaddu ay sii xoogaysanayso. Garaad Jaamac ayaa sheegay in hadii Somaliland ay ku sii adkeysato duulaankeeda ay ciidamada SSC ku wajahan yihiin deegaanada ay maamusho Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

Garaad Jaamac ayaa carabka ku adkeeyay in Somaliland looga baahan yahay inay joojiso colaada ka taagan deegaanka Oog, isagoo ka digay inay saameyn weyn ku leeyihiin, isla markaana ay ka hortagi karaan in ciidamadooda ay ka gudbaan dhulkooda. Waxa kale oo uu ka digay in Somaliland haddii ay dhulkooda sheegato ay jawaab cad ka bixin doonaan, waxaanu yiri, “Haddii Somaliland mar kale sheegato dhulkayagii, waanu xireynaa xuduudka, guryahoodiina (Hargeysa) ayaanu ugu tagaynaa, dadka dhibaatada wadana waanu qabanaynaa”.

Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa ku celceliyay halgankii ay ugu jireen xoraynta gobolka Sool, isagoo sheegay in ka difaacida deegaanadooda duulaanka Somaliland ay tahay waajib saaran. Hadalkan ayaa daba socda dagaal dhawaan ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC iyo Khaatumo ku dhex maray deegaanka Buqdharkayn ee gobolka Sool.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed