Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa madaxda Soomaaliya ku eedeyay inay Somaliland ku taageerayaan dagaalka Sool.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo kamid ah garaadada SSC- Khaatuma, ayaa ka dhawajiyay  in dowladda Soomaaliya raali ka tahay kuna taageereyso dagaalka Somaliland ay ka waddo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool taniyo bishii 2-aad sannadkaan 2023.

” Waxaan ognahay xukuumadda maanta jirta ee Soomaaliya inay iyadu garab ku siinayso Somaliland duqeymaha ay ka geysanayso Laascaanood. Waxaan ognahay inay hortaagan tahay in caalamku cunaqabatayn kusoo rogo Somaliland, ” ayuu yiri Garaad Jaamac.

Garaad Jaamac ayaa sheegay in dhibaataada lagu hayo shaacabk Laascaanood ay dowladdu kor ka fiirsaneyso, waxaa uu intaasi raaciyay in Xukuumadda Soomaaliya ay dabooleyso dambiyada ay Somaliland ka geysaneyso Laascaanood, ayaa ku eedeyay madaxweynaha iyo raysal wasaaraha inay ka shaqeynayaan kala tagidda Soomaaliya, halkii ay ka shaqeyn lahayeen midnimadda sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, Garaadka ayaa sheegay dowladda Soomaaliya ay hor-taagan-tahay caalamkii ay uga dacwoon lahaayeen Somaliland, waxaa ku dooday in dowladdu ay sheeganeyso xali u helida xiisadda  Laascaanood, balse aysan waxbo qaban.

Gab-gabadii waxaa uu ka dhaawajiyay in aysan jirin wax wada hadal ah oo u dhaxeeya iyaga iyo Somaliland.

Maalin ka hor ayey aheyd markii Raiisal Wasaaraha Soomaaliya uu sheegay in Somaliland ay ciidankeeda kala baxdo gobolka, sidoo kalana joojiso hoobiyaasha ay ku garaaceyso magaalada Laascaanood.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed