Gantaalihii Iran siisay Suuriya oo dhula soo dhigay madaafiic Israel soo riday

Gantaalo cusub oo ah nidaamka difaaca oo dhawaan Iiraan si qarsoodi ah ku siisay Suuriya ayaa sidii la filayay u hawlgal galay ka dib markii ay dhulka soo dhigeen xayn gantaallo ah oo Israel xalay ku weerartay dalka Suuriya gaar ahaan magaalada Homs oo ay gacanta ku hayaan ciidamada xukuumada.

Wakaalada wararka Suuriya u faafisa ee SANA ayaa tabisay in diyaaradaha dagaalka Israel xalay saq dhexe ku soo qaadeen weerar bartilmaameedyo ku yaal weerar magaalada Homs ee Galbeedka Suuriya.

Weerar Israel ayaa isagu jiray gantaalo toos looga soo ganay gudaha Israel iyo diyaaradaha dagaalka, waxaana la yaab lahayd in gantaalaha laga soo riday gudaha Israel inay soo mareen hawada sare ee qayb ka mid ah magaalada Beirut ee caasimada Lebanon.
Sirdoonka reer Galbeedka & Israel ayaa rumaysan in gantaalaha difaaca hawada ee Iiraan siisay Suuriya dalkaasi lagu geeyay qaab qarsoodi ah iyadoo sirdoonka Iiraan ganaatalahaas ku soo dhex qariyeen sahadii iyo agabkii gargaarka ee loofidnayay dadka Suuriya ee uu saameeyay dhulgariirkii ku dhuftay Suuriya iyo Turkiga bishii February ee sanadkan.

Iiraan ayaa ganaatalaha oo furfuran oo lagu soo dhex daray qalabkii gurmadka waxay gaysay magaalada Dimishiq ka dibna quburo reer Iiraan ah ayaa xir xiray una diyaariyay ciidamada cirka Suuriya si ay isaga difaacaan weerarada Israel
Docda kale afhayeen u hadlay military-ga Israel oo lagu magacaabo Avichay Adraee ayaa sheegtay in diyaaradahooda dagaalka ay beegsadeen goobo ku yaal gudaha Suuriya taasi oo uu waa sida hadalka uu u dhigay’e jawaab u ahayd gantaalo Suuriya laga soo riday.

Warqabadka HBN Online

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed