Ganacsatada Soomaalida ee dalka Kenya ayaa walaac ka muujiyay dhac iyo iyo boob loo geystay dukaamadooda

 

Somaalida ku nool Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa ka walaac ka muujiyay bannaan-baxyada ka soconaya dalkaasi, maalmihii  la soo dhaafay waxaa ka dhacay Kenya mudaharaadyo lagu dhacay goobo ganacsi oo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed, kuwaas  looga faaiideystay isku soo baxa ka dhacay gobollada waa weyn iyo caasimadda dalkaas ee Nairobi.

Qaar kamid ah ganacsatada suuqa weyn ee Islii ayaa sheegay in nbililiqo loo geeystay goobo ganacsi oo ay ku la haayeen gudaha magaaalada Nairobi, kadib mudaharadyo baahsan oo dhacaayay toddobaayadii la soo dhaafay.

Ganacsatada oo la hadlay warbaahinta ayaa ka dhawaajiyay in marwalbe oo mudaharadyo ay ka dhacaan Nairobi ay ku wayaan hanti badan, oo ay dhibaato dhac ah kala kulmaan dadka dhigaya bannaan-baxa.

Muddooyinkii dambe dalka Kenya waxaa ka dhacayay muddaharaadyo waa weyn oo ay dhigayeen dad shacab ah, kadib markii dowladdu ku kordhisay canshuurta dalkaas. badanaa dadka isku soo baxa ayaa dhac iyo boob u geysta goobaha ganacsiga oo ay lee yihiin Soomaalida.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed