Ganacsade caana ah oo lagu dilay Maxaas ee gobolka Hiiraan

Koox hubeysan ayaa degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan waxa ay ku dileen ganacsade caan ahaa oo lagu magacaabi jiray Xasan Maxamuud Cosoble oo loo yaqaanay Xidiri, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Askariga dilka geystay oo la sheegay inay qaraabo dhow ahaayeen marxuumka ayaa rasaas ku furay ganacsadaha, kaasoo markii dambe u geeriyooday dhaawacii ka soo gaaray.

Ma cadda sababta loo dilay ganacsadaha. Ma ahayn oo kaliya hal-abuur ganacsi, sidoo kale waxa uu ahaa oday laga ixtiraamo degmada, oo muddo daganaa gobolka.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada oo ku aadan dhacdadan, mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed