Galmudug oo bilaabeysa dagaalka wajiga labaad ee Al-shabaab

Shir looga hadlayay dagaalka wajiga labaad ee Al-shabaab lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudud, waxana laga soo saaray qorshe lagu howl galinaayo dagaal cusub oo ka dhan ah Al-shabaab.

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye ayaa guddoomiyay shirka amniga kaasoo looga hadlay xaaadda guud amniga Dowladda Galmudug, amniga caasimadda iyo dardargelinta dagaalka wajiga labaad   Al-shabaab looga xorreynayo deegaannada ay kaga sugan yihiin maamulkaas.

Muddooyinkii dambe deegaanno ka tirsan Galmudug waxaa ka socday howgallo xooggan oo ka dhan Al-shabaab, waxana dhowr jeer ka dhacay dagaallo dhex maray labada dhinac, iyada oo maamulka Galmudug uu guulo ka ka sheegtay dagaalladii ay la galeen Al-shabaab.

Maanta dowladda Soomaaliya shaacisay in 18 dagaal-yahan oo ka tirsan Al-shabaab ay ku dileen deegaanka Budbud oo hoostaga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

HBN NEWS DESK.

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed