Gabar Soomaali oo taariikh cusub ka dhigtay dalka Mareykanka ka dib doorasho ka dhacday dalkaas

Magaalo ku taal dalka Mareykanka ayaa markii ugu horeysay taariikhda u dooratay haweeney Soomaali-Mareykan ah duqo magalaadaas.

Nadia Mohamed ayaa cod aqlabiyad ah kaga guuleysatay Dale A. Anderson, waxayna noqotay duqa magaalada St. Louis Park City ee gobolka Minnesota, halkaasoo Ilhaan Cumar loogu doortay inay ka mid noqoto Congress-ka Mareykanka.

Maxamed oo 27 jir ah ayaa sidoo kale noqday qofkii ugu horeeyay ee asal ahaan ka soo jeeda Soomaali ah oo ku guulaysta doorashada duqa magaalada ee dalka Mareykanka.

Duqa hadda ee St. Loius Park, oo sheegtay in aanu mar saddexaad isa soo sharixi doonin, ayaa taageeray Nadia ka dib markii ay ku dhawaaqday musharaxnimadeeda bishii April ee sanadkan.

Nadia ayaa ka guuleysatay musharaxii ay aadka isugu dhawaayeen ee Dale Anderson oo bare ka ah Jaamacadda Minnesota, isagoo helay in ka badan 58% codadka la tiriyay.

Sanadkii 2021, Deeqa Dhalac ayaa noqotay qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo noqda duqa magaalo, kadib markii golaha deegaanka ee South Portland ee gobolka Maine ay u doorteen inay noqoto duqa magaalada.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed