Gabar Soomaali ah oo loo doortay hoggaanka mid ka mid ah xisbiyada Norway

Maryan Xuseen oo ah gabar Soomaaliyeed kana tirsan xisbiga Socialist Vänsterpartiet (SV), isla markaana ah xildhibaan laga soo doorto degmada  Groruddalen oo ku taal waqooyi bari ee magaalada Oslo ee dalka Norway, ayaa sameysay taariikh cusub ka dib markii loo doortay ku xigeenka hogaamiyaha cusub ee xisbiga SV oo ay muddo dheer xubin ka ahayd.

Maryan ayaa ka guulaystay Lars Haltbrekken oo muddo dheer ka mid ah hoggaanka xisbiga tartan doorasho adag oo shalay oo Sabti ah dhacay.

Maryan Xuseen oo ka hadlaysay guusha ay gaartay ayaa tiri “Shaqo badan ayaa noo taal, waxaan sii wadi doonaa dagaalka aan ugu jirno deegaanka iyo caddaaladda bulshada, ka hogaamiye ku xigeenka xisbiga waxaana sii wadi doonaa dhismaha xisbiga iyo dhaqdhaqaaqayaga.”

Maryan waxay ku dhalatay Soomaaliya, waxaana ay timid Norway iyadoo 10 sano jir ah, sanadkii 2021 ayay taariikh dhigtay ka dib markii ay noqotay xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Norway ee asal ahaan ka soo jeeda afrika.

HBN News Desk

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed