Gabadhii Ugu Horreysay oo Kamid Noqotay Golaha Wakiilada Somaliland.

Xillibaannadii ugu horreysay abid ayaa maanta kamid noqotay Golaha Wakiilada Somaliland, waxana soo dhaweeyay qaar kamid ah Xillibaannada Golaha Wakiilada kuwaas oo siyaabo kala duwan uga hadlay arrintaan cusub ee diiwaanka gashay.

Xillibaannada Cusub ee taariikhda sameeysay ayaa lagu magacabaa Aamina Cilmi Fariin oo noqotay xillibaankii ugu horreyay ee dumar ah ee ka mid noqda Golaha Wakiilada Somaliland, waxana ka dhalatay hadal heyn xooggan oo ku faaftay warbaahinta.

Inta badan Golaha wakiilada Somaliland ayaa lagu dhaliili jiray in aysan kamid aheyn wax dumar ah, ku soo biiridda Gabadhaan ee Xillibaannada ayaa noqotay mid si weyn loo soo dhaweeyay deegaannada Somaliland gaar ahaan Golaha wakiilada Kuwaas oo Warbaahinta la hadlay.

Dhanka kale Xillibaannada ayaa soo dhaweysay ku biirada Golaha wakiilada, iyada oo Sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay in qeyb ka noqoto mudanayaasha Baarlamaanka Somaliland.

Waxay intaas ku dartay in Dumarka aysan laheyn matalaad balse hadda ay heleen xooggan saari soonto matalaada Dumarka ee Soomaaliland.

HBN News desk 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed