Gaadiid Dagaal oo Laga Soo Dejiyay Soomaaliya.

Magaalaada Kismaayo ee Xarunta KMG u ah Jubbaland ayaa maanta laga soo dajiyag gaadiid dagaal oo aad u badan, kuwaas oo ay ku deeqday dowladda Imaraadka Carabta, Gawaaridaan ayaa qeyb ka noqon doono in dowladda Soomaaliya ay u adeegsato dagaalka ay kula jirto Ururka Al-shabaab.

Warar aan helnayaa sheegaya in Imaaraadka Carabta  ay Saldhig Milatari ay ka dhisi doonaan Soomaaliya, gaar ahaan Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Arrintan ayaa ku soo aadeyso Xilli dhawaan uu soo laabtay Xiriirka Labada dal, dowladda hadda jirto tii ka horeysay iyo Imaaraadka ayaa Xiriirku xumaaaday, balse Madaxweyne Xasan Sheekh markii uu yimid ayaa dib loo hagaajiyay xiriirka.

HBN News Desk 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed