Faysal Cali Wareebe oo Waree Afka ah ku Qaaday C/kariin Guuled Arrinta

Hoggaamiyaha Mucaaradka Xisbiga Ucid ee Somaliland  Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay hadal aad looga falceliyay oo ku aadan Ergeyga madaxweynaha Soomaaliya uu u magaccay kal-hore arrimaha Somaliland Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Faysal Cali Waraabe oo dadweyna kula hadlaayay Hargeysa ayaa diiday in Guuleed oo ka shaqeeyo arringa Somaliland iyo Soomaaliya, kadib markii  maalmo kahor Cabdiriin Guuleed oo uu jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeeray Muuse Biixi oo ku aadanaa qadiyadda Laascaanood.

Muuse Biixi ayaa ku hadal qabsaday in garaad Jaamac Aabihiis iyo Adeerkiis ay wax ka saxiixeen xuduuda Laascaanood ee gobolka Sool iyo maamul ahaanba, in haddana ka baxaan aysan suurto gal aheyn.

Balse Cabdikariin Guuleed oo jawaab ka bixiyay hadalkaas Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in yagleelida dowladdii Soomaaliya ay Masuuliyiinta Somaliland ay dooor weyn ku lahaayeen bals in hal maalin laga baxo goaankaasi in uusan aheyn mid sahlan.

Si kastaba haddaladaas ay warbaahinta ka sheegeen Muuse Biixi iyo Cabdikariin Guuleed ayaa waxaa asna dhinaca ka soo galay Faysal Cali wareebe, oo caddeyay in Guuleed uusan ku habbooneyn xal u raadinta qaddiya Somaliland.

Waxaa uu sheegay in in uu soo beddelo Xasan sheekh Ergeygaan asiga oo ku dooday in uusan ka shaqeyn karin midnimo.

HBN News Desk 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed