Faysal Cali Waraabe : “waa inaan taako kaste oo dhulkeennii ah soo celinaa”.

Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa diray fariin hanjabaad ah xilli uu watay tuutaha ciidanka, waxaa uu sheegay in ay diyaar u yihiin in ay soo ceshtaan taako walbe oo dhul ah, oo ka maqan Somaliland, isla markaana xaduuda ay tagayaan inta uusan dhammaan sannadkaan, sida uu hadalka u dhigay.

Faysal Cali Waraabe ayaa si kulul u carrabaabay in qof walbe uu xirto tuutaha ciidanka Somaliland, lana garab istaago ciidanka ku jira dagaalka, dhankale waxaa uu baaq u diray Jabhadihii hubeysanaa ee ka soo horjeeday xukuumaday in ay ka garab dagaallamaan ciidanka maaddaama laga hishiiyay arrintii la isku haya, ayuu yiri guddoomiyaha Xasbiga UCID.

Khudbadii uu maanta jeediyay Fasyal Cali Waraabe ayaaa noqotqay mid dhalisay hadal heyn badan, hadalkiis ayaa imaanaya iyada oo shalay beesha caalamka ay ka digtay in dagaal kale uu dhaco, wax walbana wadahadal lagu xaliyo, sidoo kale maaamulka SSC khaatumo aya iyaguna sheegay in aysan diyaar u aheyn dagaal, isla markaana loo baahan yahay in Somaliland ay ka fogaato abuurida dagaallo kale.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed