Faysal Cali Waraabe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Maxkamadda Sare ee Somaliland.

Musharrax madaxweyne Faysal Cali Waraabe, ahna guddoomiyaha Xisbiga Ucid ee Somaliland, ayaa sharci darro ku tilmaamay, warqad  Guddiga Doorashooyinka Somaliland, Maxkamada sare kaga dalbatay in ay faah faahin ka bixiyaan  sharciyadda  ku saabsan xeerka doorashooyinka.

Faysal Cali Waraabe oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in warqadaasi ay tahay mid baalmarsan sharciga, oo ay ka soo horjeedaan, kana xun-yihiin. Waxaa uu sheegay in ay mid dhibaato ku ah arrimaha doorashada, taas oo keeni karta muran iyo khilaaf horleh.

Waxa uu ka dhawaajiyay, in guddida doorashooyinka aan laga sugeyn  in ay maxkamada sare fasiraad ka dalbadan, laakiin looga baahnaa uun in ay  ilaaliyaan  wakhtiga ay dhaceyso doorashadii madaxtooyada Somaliland.

Muddooyinkii dambe waxaa taagnaa xiisad xooggan oo ku saabsan doorashada Somaliland, taas oo dib u dhacday, Mucaraadka Somaliland ayaa eedo kala duwan u jeediyay Maxkamadda Sare, kuwaas oo sheegay in ay ku milantay arrimaha siyaasadda, shalay ayey markii gudoomiyaha Wadani  Cabdiraxmaan Cirro oo digniin u diray Maxkamadda, kuna eedeyay in ay qaadi doonto masuuliyadda wixii dhaco.

HBN NEWS DESK.

 

 

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed