Faysal Cali Waraabe oo Ka Hor-yimid Odayaashii Dhaqanka ee Muqdisho.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaraadka Ucid Faysal Cali Waraabe ee Soomaaliland ayaa ka hor yimid Odayaashii dhaqanka ee ka tagay Muqdisho kuwaas oo waday waan waanta dagaalka Laascaanood ee u dhaxeeya Soomaaliland iyo Ciidanka deegaanka SSC Khaatumo.

Faysal Cali waraabe oo kamid ah Siyaasiinya mayal adag ee Soomaaliland ayaa jir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Hargeysa waxaa uu si toos u ah u sheegay in ay dib u laabtaan Odayaashii dhaqanka ee maalmo kahor tagay Hargeysa kuwaas oo wili ku sugan  Soomaaliland.

waxaa uu hoosta ka xariiqay in dadka reer Soomaaliland ah iyaga  hishiim doonaan, asaga oo ku dhaliilay Waxgaradka koofurta Soomaaliya in aysan daacad la aheyn waan waanta wadaan waa sida uu sheegay Guddoomiyaha Xisbiga Ucid ee Soomaaliland.

Faysal Cali Waraabe ayaa dhowr jeer horay u sheegay in arrinta Laascaanood ay u taal Soomaaliland oo kaliya balse aysan maranba aysan aqbaleyn in dhinaca Muqdisho looga yimaadaan.

HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed