Faysal Cali Waraabe oo caddeyay mowqifkiisa go’aankii guddiga doorashada baaqna soo saaray

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa diiday in ay u hoggaansamaan jadwalkii doorashada oo ay dhawaan soo saareen guddiga doorashooyinka Somaliland.

Faysal Cali waraabe oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa ka dhawaajiyay in nidaamka doorashada ee lagu furay Ururada cusub in aanan la aqbali karin, taas oo aanan shaqeyn doonin sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa oo uu hoosta ka xariiqay in doorashada mataxtooyada kaliya ay aqbali karaan, dhankale waxaa uu nidaamka hadda jiro ee ku eedeeyay in ay doonayaan in ay sii joogaam xafiiska si sharci darro ah, asiga oo intaas raaciyay in aysan oggoleyn in madaxda iyo xukuumadda in ay cid kale ay timaado maamulka oo iyaga  kaliya ay isla rabaan.

Waxaa uu dhaliil xooggan u jeediyay hey’addaha sharci dejinta Somaliland, oo ku eedeeyay in sharcigii ay ku xadgudbeen.

Faysal Cali Waraabe ayaa fariim baaq ah u daray  Waxgaradka, Ganacsatada  iyo culumada in ay u tagaan Muuse Biixi kuna booriyaan in uu joojiyo, kana hor-yimaado go’aankio guddiga doorashooyinka Somaliland.

HBN NEWS DESK.

 

 

 

 

 

uu sheegay in nidaamka ururada cusub lagu, isaga oo sheegay in anay aqbalayn doorasho aan ahayn doorashada maxtooyada.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed