Fatahaado Xooggan oo Ka Dhacay Gobolka Hiiraan.

Fatahaado xooggan ayaa xalay ku dhuftay deegaannaada uu maro Wabiga Shabeelle, kaas oo saameeyay nolosha kumanaan ruux oo ka cararay guryahaoodii.

Wabiga Shabelle oo dhex mara magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ku fatahay xaafado ka mid ah magaaladaasi, taas oo ay ka dhalay barakac badan xalay goor dambe.

Biyo fara badan ayaa galay xaafadaha Xaawo Taako, Howlwadaag, Kooshin iyo Buundo Weyn oo ka wada tirsan Beledweyne, iyadoo shacabka ku noolaa xaafadahaasi ay isaga barakacay guryahooda.

Fatahaadda wabiga Shabelle ee Beledweyne ayaa marar badan soo laa laalabatay, mana muuqato qorshayaal guud oo wax looga qabanayo fatahaadaasi.

Sidoo kale fatahaada ayaa sameeyn ku yeelatay isku Socodka magaalada Sida ganacsiga, Waxbarashada, iyo dhammaan nolosha aas aasiga ah ee dadka ku nool ah ee gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Wili waxaa socdo barakaca waxana la arkayaa dad oo ku guuraya gawaarida nuucyadooda kala duwan, kuwaas oo bilqan duleedka magaalada.

HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed