Fataahado xooggan oo ka dhashay roobab xooggan oo ka da’ay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan

Roobab mahiigan ah oo ka da’ay gobolka Hiiraan, gaar ahaan magaalada Beledweyne iyo deegaannada  ku xeeran ayaa keenay fatahaado xooggan oo sababay in dad badan ay ka barakacaan guryahooda ka dib markii ay soo galeen biyo badan qaar kamid ah xaafadaha magaalada Beledweyne oo ay biyihu dhex fadhiyaan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in roobabku ay da’ayeen saacado badan oo xiriir ah, waxana ka dhashay daadad xooggan oo dhaliyay in biyihu ay galaan xaafada magaalada, waxaana ka mid ah Kooshin, Xaawo Taako iyo kuwa kale, isla markaana ay ka carareen dadkii daganaa Xaafadahaas iyo kuwii ka ak-dhawaa ee gobolka.

Wabiga Shabeelle ayaa qarqarada jabsaday waxaa uuna fatahaada  ku wadaa xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Beledweyne iyo sidoo kale deegaannada uu ka maro gobolkaas, dadka ayaa wajahaya xaalad adag iyo casbi xooggan oo ku aaddan fatahaadaha uu bilaabay wabiga Shabeelle ee gobolka.

Si kastaba, xilli roobaadka deegannada uu maro Wabiga Shabeelle ayaa la kulmo fatahaado xooggan oo ka dhashaa xilli ay curtaan roobabka, dad badan ayuu saameyn ku yeeshaan kuwaas oo ka cararo guryahooda, waxana soo wajaho xaalad bini aadanimo.

HBN NEWS DESK

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed