Fasal Cali Waraabe oo diiday warqad casuumaad ah oo kaga timid Muuse Biixi baaqna soo saaray

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Ucid ee Somaliland ayaa diiday warqad furan oo casuumaad ah, taas oo  shalay uu u diray madaxweynaha Somaliland Muuse Biixe, shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Hargeysa ayuu ku qaadacay in uu kulankaas ka qeyb galo, kadib wadatashiyo sida uu sheegay.

Faysal Cali Waraabe ayaa si kulul uga hadlay tallaabadaas, waxaa uu ku tilmaamay in doorashada Urur siyaasada ee Somaliland ay tahay mid xaaraan ah, oo aanan ku dhisneen wax sharciyad ah,  waxaa uu sheegay in hannaanka uu Muuse Biixi doonayo ee ku saabsan jadwalka  doorashada  in aysan aheyn mid loo hoggaansami karo, taas oo gabi ahaanba ka fog nabad iyo doorasho hishiis lagu yahay.

Waxaa uu ku baaqay in loo middoobo wadatashi ballaaran oo looga hadlaayo aayaha Somaliland waa sida uu hadalka u dhigay, waxaa uu intaasi raaciyay beelaha dago gobolada doorashada ka dhaceyso in aysan oggoleyn in doorashadaas ay ka dhacdo deegaannadaas oo gaaray ilaa 6 gobol, maaddaama ay tahay mid sharci darro ah.

Waxaa ka dhawaajiyay haddii Madaxweyne Muuse loo tallin waayo, oo wax laga qaban waayo, in labada xisbi ee Waddani iyo Ucid ay gaari doonaan go’aanno u gaar ah.

Halkaan ka yimid Faysal Cali Waraabe ayaa ku soo beegmaya, iyada oo shalay Madaxweyne Muuse uu warqad casuumaad ah u diray xisbiyada Ucid iyo Waddani, kuwaas oo horay uga hor yimid jadwalkii ay soo saareen guddiga doorashada Somaliland, sidoo kalana uu wareegto ku soo saaray madaxweyne Biixi.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed