Farrimaha ku duugan Khudbadda Dhusamareb ee Madaxweyne Axmed Madobe iyo Wareysiga Madaxweyne Hore Waare siiyay Hannolaato

Guuladarrada Ciiddammada Dowladda Federaalka kala kulmeen Weerarkii Al Shabab ku soo gaadeen Tuulada Cosweyne 28kii Agosto 2023 iyo ka soo bixitaanka Ciidammada Dowladda Federaalka Tuulooyinka Ceeldheer, Masagaway, Galcad, Budbud iyo Wabxo waxay kiciyeen dhaqan siyaasadeed lagu hagardaaminayo dagaalka Kharaawijka Al Shabab, laguna weerarayo Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamud oo baraaha bulshada qabsaday.
Ugu horreyn waxaa baraha bulshada qabsaday taagero dhoola tus iyo wadanninimo muujin ku aadan garab istaagga Ciidammada Dowladda Federaalka iyo dafiraadda jiritaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Mas’uulinta taagereysa ciidammda Dowladda Federaalka waxaa ka mid ah kuwii shalay dayacay, marin habaabiyay dhismaha Ciidan Soomaaliyeed tayo leh dadkoodaa iyo dalkooda daafici kara, una hoggaansan mabaadi’da dastuurka kmg, madaxdaasoo dhiirigelisay xoogeysiga Al Shabab xag cudud iyo xag dhaqaale iyo inay ku milmaan Dowladda Federaalka oo ilaa maanta khatartooda heer sare joogto.
Waxaa siyaabo kala duwan guux ballaaran uga dhashay khudbad Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ka jeediyay Dhusamareb, ku dhalliilay, kuna cambaareyay reer Galmudug inay hagardaamiyeen Madaxweyne Xassan iyo Wareysi Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Maxamed Cabdi Ware siiyay Warbaahinta Hannoolato,wareysigaasoo ku cambaareyay Hawiye, Habargidir iyo Abgal, Wasiirka Gaashandhigga, isla markaana ku dhalliilay Madaxda Hawaadle ee Madaxweyne Xassan kula kulmay Maxaas. Wareysigas wuxuu ahaa mid xamaasadeysan, caro lagu muujiyay, haseyeeshe abuuray isweydiimmo badan.
Wararka labada Madaxweyne ku dhawaaqeen waxay ka soo horjeedeen Xogwarrannada iyo qiimeynta Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamud ka bixiyay goobo kala duwan, kuna ammaanay shacabka Galmudug iyo Hirshabelle iyo Ciidammadda Dowladda Federaalka iyo dalalka Soomaaliya ka taageraya dagaalka Al Shabab. Madaxweynaha wuxuu ka foojignaa in guuldarro iskeed u taagan dusha uga tuuro dad aan mas’uul ka aheyn.
Sidaa darted, wararka labada Madaxweyne waxaa loo fasiran karaa inay ugu talagaleen inay si dadban, maldahay ugu eedeeyaan Madaxweyne Xassan Sheikh inuu ka gaabiyay inuu ogaado, ku baraarugo musuqmaasuqa, shirqollada, iyo khiyaamooyinka lagu maleegayo hortiisa, dushiisa, iyo agagaarkiisa ee Labada Madaxweyne ku ogaadeen maalmaha kooban ee ay dhusamareb la joogeen. Taas waxay shaki gelineysa hogaaminta Madaxweyne Xassan Sheikh.
Waa nasiib darro in hadalka labada Madaxweyne isku diro beesha Hawiye, beelaha Galmudug iyo Madaxweyne Xassan Sheikh taaso u baahan saxitaan iyo turxaan bixin degdeg ah dhinac walba.
Madaxweyne Xassan Sheikh oo u istaagay hogaaminta dagaalka Al Shabab wuxuu leeyahay garasho, waayo aragnimo, iyo qaab uu ku qiimeeyo xil gudashada Madaxda kala shaqeyneysa Amniga, gaar ahaan la dagaalanka Al Shabab, isla markaana ka qaado tallaabooyinka ku habboon haddii ay ka gaabiyaan gudashada xilkooda iyo awaamirta la siiyay wqtiga ku habboon. Guldarro dagaal waa imaneysa, inkastoo loo baahan yahay ka gaashamasho joogto ah.
Bishii Disember 1, 2022 waxaan qoray maqaal
( https://www.hiiraan.com/…/president_hsm_s_proclamation… ) ku saabsan fulinta baaqa Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamud oo ka tarjumayay go’aanka Xukuumadda iyo Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, maqaalkaasoo aan ku muujiyay hagardaamooyinka gudaha iyo dibedda ah ee xagal daacin kara fulinta degdegga ah ee baaqaas lagu ciribtirayo Al Shabab muddo aad u gaaban. Waxaan sheegay in daraasooyin khubaro caalamiga ah sameeyeen ay ku soo bandhigeen in Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada aysan ka adkaan karin Al Shabab sababo ay ka mid yihiin:
1. Maqnaashaha dareen wadannimo, damiir, iyo mas’uuliyad is xilqaan ee Waxgaradka Soomaaliyeed (Somali Elite) ayado dadaalkooda oo dhan ku jiheysan yahay ku dagaalanka awoodda (power) iyo kheyraadka (resources), la dagaalanka Al Shababna aysan mudnaan u laheyn;
2. Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada oo aan diyaar u aheyn la dagaalanka Al Shabab, iskana dalxiisayaan dibedaha iyo magaalada Muqdisho, weliba ay xor u yihiin inay xagal daaciyaan dowladdda Federaalka. Ilaa maanta Madaxweynayaasha DG Al Shababka iridda u taagan yihiin ma muujin isxilqaan goboleed ay kula jaanqaadayaan dardargelinta la dagaalanka Al Shabab oo aysan sugin bilowga wejiba labaad.;
3. Si ay u muujyaan madaxbannaanidooda, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ma rabaan fulinta siyaasadda iyo go’ammmada Dowladda Federaalka;
4. Ku milinka Al Shabab bulshada Soomaaliyeed ;
5. Adkeysiga, dhagarta, iyo arxan darrada Al Shabab caanka ku noqday;
6. Tayo xumida iyo musuqmaasuqa muddada dheer haysta Ciidammada Federaalka iyo Ciidammada Dowlad Goboleedyada Soomaaliyeed;
7. Karti darrada hay’adaha dowladda federaalka inay dejiyaan, maamulaan, kana gungaaran Istratejiyadda lagu ciribtirayo Al Shabab;
8. Xinka iyo ficiltanka ka dhex aloosan beelaha Soomaaliyeed iyo kala qobobnaanta deegannada beelaha;
9.Hagardamada siyaasinta huwan shaarka mucaaradnimada wadaniga ah haseyeeshe ah dambiilayaal maamul iyo siyaasadeed ;
10. Shakiga ka taagan helitaanka degdegga ah ee taagerada Beesha Caalamka looga baahan yahay xagga hawlgelinta Ciidammada Macawisleyda ah iyo Ciidammada Dowladda Federaalka.
Sheekada laga abuuray guuldarrada ka dhacday Cosweyne iyo deegannada laga soo baxay waxay khilaafsan tahay, kana fog tahay sheekada saxda ah.
Ugu horreyn, Guuladarro waxay ka dhacday Cosweyne ayadoo Ciidammada Dowladda Federaalka ay si geesinnimo leh u dagaalameen hase yeeshe laga gacan sarreeyay. Waa dhacdo mudan dabogal madax bannaan iyo xog ogaalnimo sax ah sababaha kallifay guldarradaas iyo sababta kalliftay Ciidammada ka soo baxaan Wabxo, Masagaway, Galcad, Ceeldheer, Iyo Bud Bud. Labada dhacdo waxay dib u rideen soo gababeynta wejiga koowaad ee dagaalka ciribtirka Al Shabab iyo bilowga wejiga labaad.
Xujooyinka Madaxweynaha Dowladda Federaalka haysta waxay yihiin is kaabidda Ciidammada Dowladda Federaalka iyo Macawisleyda, wada howlgalka iyo isu gurmadka Macawisleyda beelaha kala duwan, iyo dhismaha maamulka deegannada laga xoreeyo Al Shabab.
Beelaha Galmudug waxay muujiyeen inay diyaar u yihiin dhammeystirka dagaalka khawaarijta, waxayna ku muujiyeen bannaanbaxyo kala duwan, kaddibna waxaa loo gudbay bilowga qorshaha habka ka qaybgalka aagagga dagaalka iyo diyaarinta saadka loo baahan yahay. Iskaashiga awoodda shacabka iyo tan dowladda Soomaaliyeed waa ku filan tahay ciribtirka Khawaarijta.
Madaama uusan meelna ka sheegin Madaxweyne Xassan Sheikh, ma jirin hagrasho iyo hagardaamo reer Galmudug lagu eedeeyo. Waxaa socdaa agaasinka xoogagga Macawisleyda ah, agaasinkaasoo ku xiran qorshaha abaabulka guud ee gulufka dagaalka Al Shabab ee Ciidammada Dowladda Federaalka horseedka ka yihiin. Hadalka labada Madaxweyne ma taagerin ku guuleysiga dagaalka Al Shabab ee dowladda federaalka hogaamineyso, wuxuuna abuuray faro fiiq ay habbooneyd in laga fiirsado.
Dr. Maxamud M Culusow

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed