Farmaajo oo Jawaab Ka Bixiyay Hishiiskii ay Soo Saareen Golaha Wadatashiga Qaran

Madaxwenihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay hannaankii hishiiska doorashooyinka dalka oo ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran.

Farmaajo ayaa hoosta ka xariiqay  in hishiiskaan uu xambaarsan yahay qodobbo masiiri ah oo si toos ah u taabanaya qodobbo dastuuri ah, waxna ka beddelaya haykalka ama qaab-dhismeedka dowladda Soomaaliyeed, sidaas darteed waxaa lagama maar-maan ah nidaam kasta oo loo guurayo in uu noqdo mid looga heshiiyo wadatashi heer qaran ah.

“Waxaan soo dhoweynaynaa mabaadiida guud ee lifaaqa heshiiska hoggaamiyeyaasha Golaha Wadatashiga Qaranka ay gaareen 27/5/2023, gaar ahaan arrimaha khuseeya doorashooyinka heer degmo, dowlad goboleed iyo heer federaal oo ay shacabku si toos ah u dooranayaan wakiilladooda, taas oo ah himilo muddo dheer shacabka Soomaaliyeed ay sugayeen in ay mar kale arkaan madax iyo wakiillo ay codkooda ku doorteen, oo ku salaysan nidaamka xisbiyada badan”. Ayuu yiri Farmaajo.

Waxaaa kale uu soo hadal qaaday in hishiiskaan uu yahay mid weyn oo u baahan in lagu meel mariyo go’aan loo dhan yahay oo ka qeyb galeen daneeyaasha siyaasadda.

“Sida ku cad qodobada lifaaqa Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran waxaa uu xambaarsan yahay qodobbo masiiri ah oo si toos ah u taabanaya qodobbo dastuuri ah, waxna ka beddelaya haykalka ama qaab-dhismeedka dowladda Soomaaliyeed, sidaas darteed waxaa lagama maar-maan ah nidaam kasta oo loo guurayo in uu noqdo mid looga heshiiyo wadatashi heer qaran ah (WADAR-OGGOL).”.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa noqonaya Masuulkii ugu weynaa ee soo dhaweeya hishiiskaan, iyada oo guux badan uu jiro uu ku saabsan hishiiskaan, Siyaasiinta ku dheriga ah Farmaajo ee wax qeybsiga ayaa ka horyimid go’aankii wax looga beddelay hannaanka doorashada Soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed