Faransiiska oo qas & jahwareer uu ka jiro & Macron oo xaalku ku adag yahay

Dibadbaxyada rabshadaha wata ee ka dhashay dilka wiil dhalinyaro ah oo booliisku toogasho ku dileen ee aloosan dalka Faransiiska ayaa sii xoogeystay waxaana ay galeen habeenkii afaraad, iyadoo dawlada madaxweyne Macron ay qasan ku noqotay inay markan ay adeegsato ciidamo wata gawaari gaashaan maadaama amarkii iyo kala dambeyntii ay faraha ka baxday magaalooyin kala duwan oo dalkaasi ku yaal.

Ciidamada & gawaarida qafilan ee ay wataan ayaa la dhigay fagaarayaasha gobollada iyo magaalooyinka, oo ay ku jirto magaalada labaad ee ugu wayn dalkaasi ee Marseille, sidoo kale magaalada Nanterre oo ku dhow caasimada Paris oo ah meeshii lagu dilay wiilka dhalinyarada ah ayaa rabshaduhu si wayn uga socdaan.

Booliiska ayaa xiray illaa iyo hadda dad ku dhow 1000 qof, halka Wasiirka Arrimaha Gudaha Gerald Darmanin uu sheegay in saacadihii la soo dhaafay dadka la xiray tiradoodu dhan tahay 270 kuwaasi oo 80 ka mid ah lagu xiray magaalada Marseille.

Rabshadan oo ah kuwii ugu xumaa ee soo mara Faransiiska ayaa shalay waxaa ku dhintay wiil 19 jir ah ka dib markii uu ka soo dhacay saqafka sare ee goob laga dukaamaysto.

Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa u muuqda inuu xal u heli kari la’yahay rabshadan waxaana isha lagu hayaa sida uu maareeyo qalaalasahan cagta lagu mariyay goobo badan oo ganacsi laguna bililiqaystay isla markaana lagu gubay garaarida aadka u badan.

Warqabadka HBN Online

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed