Faah faahino ka soo baxaya dagaal dhaliyay khasaaro kala duwan oo ka dhacay bariga gobolka Hiiraan

Faah faahino kale duwan ayaa ka soo baxaya dagaalka ka dhacay deegaanka Beergidid ee gobolka Hiiraan, waxaa la soo warinayaa in khasaaro iskugu jiro oo dhimasho iyo dhaawac ah uu ka dhashay dagaaalkaas oo deegaanka si weyn looga dareemay.

Dagaalka ayaa yimid sida la sheegay markii ciidamado ka tirsan maamulka deegaanka iyo maleeshiyaad deegaanka ah, oo u abaabulnaa hab qabiileed ay is farasaareen , kaas oo la xiriiro markii dad ehelkooda ah lagu xiray saldhiga deegaanka, arrintaasayaa dhalisay xiisada, sida laga soo xigtay dadka deegaanka.

Maleeshiyaadka deegaanka ayaa isku dayay in si xoog ah ay ku soo furtaan dadka lagu xiray saldhiga deegaanka Beergidid ee gobolka Hiiraan, taasina waxaa ay dhalisay in labada dhnac ay dagaallamaan in mudod ah.

Beergidid waxaa uu dhinac bari kaga beegan yahay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxana uu isku xiraa xadka gobolka Galgaduud iyo Hiiraan.

Wararka aya sheegay in ku dhawaad labo ruux ay ku dhinteen halka tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen, waxana wili taagan xiisada deegaanka, odayaasha deegaanka ayaa wado waan waan lagu soo afjarayo xiisada si khasaaraha uusan u sii kordhin.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed