Faahfaahin ka soo baxaysa qaraxyo ka dhacay duleedka magaalada Dhuusamareeb

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamul goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay ka hortageen qaraxyo Al Shabaab ku doonaysay inay soo galiso gudaha magaalada si ay ugu beegsadeen bartilmaameedyo gaar ah.

Laba baabuur oo ah nooca Land Cruiser oo laga soo buuxshay waxyaabaha qarxa ayaa lagu fashilayay bar koontarool oo ku taal deegaanka lagu magacaabo Qodax oo ku yaal duleedka magaalada Dhuusamareeb, sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan laamaha ammaanka.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in gawaaridan ay damceen inay xoog kaga soo gudbaan goobta jidgooyada ammaanka ah, balse markii lagu furay rasaas ayna joogsan waayeen waxaa labadii gaari isku dhigay laba baabuur oo ka mid ah kuwa ciidnka, waxaana halkaasi lagu qarxiyay labadii gaari.

Laba askari oo mid ka mid yahay askartii baabuurta ku horgaysay gawaarida qaraxyada ayaa geeriyooday halka laba kalana ay ku dhaawacneen.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxyadan, waxaana ay tani ku soo aadaysaa iyadoo magaalada Dhuusamareeb uu ku sugan yahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamed, halkaasi oo uu ka wado abaabulka dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Warqabadka HBN Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed