Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa weerarkii Qoorqoor, Cabdiqaybdiid & Dhabancad

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa qarax ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay deegaanka Laasgacamey oo u dhaxeysa degmada Wisil iyo deegaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug.

Qaraxan oo ahaa ismiidaamin ayaa waxaa la doonayay in lagu beegsado Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaahiye Qoorqoor, Xildhibaan Cabdisalaam Axmed Caaji Dhabancad, Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybtiid , masuuliyiin iyo taliyeyaal ciidan oo dhawaanahan deegaanadaasi ka waday dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Warar aynu ka helnay ilo dhanka ammaanka ah ayaa sheegaya in gaariga laga soo buuxshay waxyaabaha qaraxa intii aanu soo gaarin gurigii ay ku jireen masuuliyiinta uu gaari kale ku horgooyeen labada wiil ee ciidanka ka mid ahaa waxaana taasi ka dambeysay markii gaariga oo xawli ku socday uu soo jiiray ciidamada ilaalada ahaa.

Ilo wareedka ayaa sheegay in dhaawac aan cusleyn uu soo gaaray xildhibaan Dhabancad iyo Senator kuwaasi oo dhaawacu uu ka soo gaaray darbigii guriga ay ku jireen.

Dhaawaca Cabdiqaydiid ayaa ah dhanka madaxa oo dhagax uu kaga dhacay halka Dhabancad uu dhaawacu ka soo gaaray gacanta, waxaana la sheegay in masuuliyiintan loo soo qaaday magaalada Muqdisho.

Weerarka ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay shan askari oo ka mid ahaa ilaalada madaxdan.

Dawlada Soomaaliya ayaa sheegtay in la fashiliyay qaraxan oo ay soo abaabuleen Al Shabaab, isla markaana lagu guulaystay in aanu gaysan khasaare balaaran oo ay damacsanaayeen.

Al Shabaab ayaa war ay soo saareen waxay ku sheegteen masuuliyada qaraxan.

Warqabadka HBN

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed