Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxyo maanta lagu weeraray Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, isla markaana dhaliyay khasaaro xooggan oo iskugu jiro naf iyo maal, arrintaan ayaa saameyn tabban ku yeelay isku socodka ganacsiga suuqa, oo istaagay.
Inta la xaqiijiyay 10 ruux ayaa ku dhimatay, halka in ka badana ay ku dhaawacmeen, goobaha caafimaadka ayaa la gaarsiiyay dhaawacyo kala duwan, iyada oo wararka aan ka helnay Isbitaalada ay sheegayaan in ku dhawaad 20 ruux oo dhaawac ah loo keenay.
Sidoo kale burbur xooggan ayaa waxaa soo gaaray goobaha ganacsi ee lala eegtay qaraxyada maanta ka dhacay suuqa Bakarahaa ee magaalada Muqdisho.
Wararkii hordhaca ahay ee ka soo baxay goobjoogaal ku sugnaa goobaha la weeraray ayaa sheegay in hoobiyaal gaaraya ilaa 6 xabo lagu soo tuuray suuqa, kuwaas oo si toos ah loo duubay markii ay burburiyeen dhismayaal kala duwan, waxayna intaas ku dareen in hoobiyaasha si toos ah ay ugu soo dhaceen xarumo ganacsi.
Balse maamulka gobolka Banaadir ayaa beeniyay in hoobiyaal maanta lagu garaacay Suuqa Bakarahaa oo ku sheegeen qaraxyo lagu diyaariyay goobo kala duwan, Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo gaaray suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay weerarkii maanta ka dhacay halkaasi.
Yabooh ayaa marka hore beeniyay in weerarka uu ahaa hoobiye, wuxuuna sheegay inay ahaayeen qaraxyo ay ka dambeysay kooxda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.
Balse dad kala duwan oo faallooyin ka bixiyay hadalka guddoomiye Yabooh, kuwaas oo ku sugnaa meesha ayaa ku doodaya in weerarku uu ahay hoobiyaal ku soo dhacay Suuqa, isla markaana ku tilmaamay marin habaabin sida ay hadalka u dhigeen.
Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana sidoo kale suuqa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya.
HBN NEWS DESK