Faah faahinno ka soo baxaya Dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab oo ku dagaalamay degmada Jilib

Dagaalyahano ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa ku dagaalamay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Colaadan ayaa ka dhacday tuulada Hargeysa-Yarey oo u dhaxaysay laba garab oo kala taabacsanaa horjoogayaasha ugu sarreeya Al-shabaab ee kala ah Mahad Karatee iyo Axmed Diiriye, sida ay baahisay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa xaqiijisay in dagaalka ay qaadeen xubno ka amar qaata Mahad Karatee. Khasaare badan ayaa soo gaaray labada kooxood, balse Wasaaraddu ma aysan sheegin khasaaraha ka dhashay.

HBN si madax bannaan uma xaqiijin karto warka ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Tiro dhowr jeer ah dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaalyahanno ka tirsan Al shabaab ay ku dagaallameen koofurta iyo bartamaha Soomalaiya.

Dhanka kale ciidamada dowladda oo gacan ka helaya saaxiibada caalamiga ah ayaa kordhiyay weerarada ka dhanka ah Al shabaab tan iyo sanadkii hore markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay “dagaal dhan walba ah” oo ka dhan ah wax loogu yeeray argagixisada.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ay dishay 1,650 ka tirsan argagixisada Al-Shabaab ayna ku dhaawacday in ka badan 550 kale labadii bilood ee la soo dhaafay howlgallo ay ciidamadu ka sameeyeen koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Khasaaraha ugu badan ee Al-Shabaab ayaa la shaaciyay tan iyo markii uu bilowday howlgalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab dabayaaqadii sanadkii hore.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed