Faah faahi laga bixiyay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xooggan ayaa  ka dhacay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka Isgoyska Sayidka oo ah meel xasaasi ah oo laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya, iyada oo dhawaan Booliiska Soomaaliya uu ka hadlay.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid ismiidaamin ah oo uu fuliyay shaqsi soo xirtay walxaha qarxa, kaasi oo lala beegsaday Baar Bulsho, oo ku taalla agagaarka Isgoyska Sayidka, waxana ka dashay khasaaro kala duwan.

Booliiska Soomaaliya oo faah faahin ka bixiyay ayaa sheegay in hal askari oo biilis ah uu ku dhaawacmay, qoraal ka soo baxay ayaa sidaan lagu yiri:

“Caawa fiidkii 3/10/2023, abaare 8:45 Fiidnimo, ayaa waxaa qof lab ah oo naftii-halige ahi isku qarxiyay barta hubinta gaadiidka ee Baar-bulsho waxaana ku dhawacmay 1-askari oo Boliis ah. Askariga oo feejignaa ayaa markuu ka shakiyay, ku amray inuu istaago. Balse, naftii-haligaha ayaa ka maxad adegay, askariga ayaa u istiicmaalay awooda uu sharcigu u jideeyay, sidaas ayuuna ku qarxay”

Al shabaab ayaa sheegtay qaraxyada nuucaan oo kala ah, oo muddooyinkii dambe ku soo badanayay magaalada Muqdisho.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed