Faah faahino ka soo baxaya muwadiniin Soomaai ah oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Labo muwaadin oo Soomaali ah oo lagu kala magacaabo Yuusuf Maxamed Taakow iyo Maxamed Deeq Muxudiin ayaa kooxo burcad ah ku dileen deegaanka Philipi oo ka tirsan magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.

Kooxda dilka geysatay ayaa la sheegay in ay  beegsadeen labadaasi wiil oo ku sugnaa goob ganacsi oo ay ku lahaayeen deegaanka, dambiilayaasha ayaa goobta ka baxsaday iyagoo ka dhacay dukaanka agabka muhiimka ah oo kala duwan, waxana sii kordhiya dilalka qorsheysan ee lagu beegsanayo dhalinyarada Soomaaliyeed,

Maamulka Koonfur Afrika ayaa ka jawaabay goobta uu fal-dembiyeedku ka dhacay, balse baaritaankoodii ugu horreeyay ayaa ku guuldareystay inay soo saaraan wax raadraac degdeg ah. Ilaa  bishii Nofeembar oo kaliya sideed muwaadin oo Soomaali ah oo shaqo u aaday Koonfur Afrika ayaa sidan oo kale meelo kala duwan loogu dilauy.

Weerarada soo noq noqday ee lagu hayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ganacsiga ku leh dalka Koonfur Afrika ayaa walaac ku abuuray kuw kale ee ku sugan dalkaas. Dhacdooyinkan ayaa muujinaya baahida degdega ah ee loo qabo in wax laga qabto caqabadaha amni ee ay la kulmaan dadka ajaanibka ah ee dalkas ku sugan gaar ahaan kuwa Soomaalida, isla markaana u baahan in loo ilaaliyo nolshooda iyo ganacsigooda.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed