Faah faahino ka soo baxaya Muwaadiniin Soomaali ah oo lagu dilay dalka Koofur Afrika

Dalka Koonfur Afrika gaar deegaan 150-km dhanka galbeed kaga beegan magaalada Pretoria ayaa kooxo hubeysan waxay ku dileen labo muwaadin oo Soomaali ah oo lagu kala magacaabi jiray C/raxiin Xasan Cali iyo Abtigiis oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Warsame Ibraahim, kuwaasi oo ka shaqeynayay deegaankaas.

Dilka kadib ayaa waxaa goobta gaaray ciidamada Booliska Koonfur Afrika, balse ma jirto cid ay u soo qabteen dilkaasi. Dhacdadan ayaa ka tarjumeysa weerarro soo noq-noqday oo lagu beegsanayo  Soomaalida ah ee ku sugan Koonfur Afrika, xaaladdaas oo sii socota iyadoo aan wax faragelin ah lagu sameyn, kuwaas oo si joogto ah loogu dilo dalkaas.

Bilaha ugu dambeeya ee sanad walba, Koonfur Afrika waxaa si weyn u kordheysa dilalka qorsheysan iyo afduubka ganacsatada. Cilmi-baarayaasha dambiyada ayaa u sababeynaya kororkaan xilliga fasaxa Kirismaska, kaasoo ay rumeysan yihiin inuu kordhinayo cadaadiska xubnaha burcadda.

Horaantii bishii November, laba nin oo ganacsato Soomaali ah, oo magacyadooda lagu kala sheegay Mohamed Dek Mohayaddin iyo Yusuf Mohamed Taakow, ayaa lagu dilay weerar naceyb ah oo ka dhacay magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika. Labo bilood ka hor, bishii September, waxaa Tuulo Miyi ah oo ka tirsan Gobolka Eastern Cape lagu weeraray Ganacsato Soomaaliyeed oo kala ah Cabdulqaadir Macallin Maareeye iyo Xasan Xaamud Jaras.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed