Faah faahino ka soo baxaya dagaal culus oo ka dhacay gobolka Hiiraan kaasoo dhaliyay khasaaro kala duwan

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo saaka oo Khamiis ah ka dhacay deegaan  Aag Sibiri ee hoostaga magaalad Farlibaax ee gobolka Hiiraan.

Dagaalkan oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya maleeshiyo beeleed iyo kooxda Al-Shabaab ayaa yimid kadib markii ciidamada ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidan oo ay ku lahaayeen dhulka miyiga ah.

Khasaaraha ka dhashay dagaalka oo socday muddo hal saac ah ayaan la xaqiijin karin, maaddaama aanan la heli karin xogta rasmiga ah ee dagaalka.

Sargaal ka tirsan ciidanka deegaanka ayaa sheegay in ay iska caabiyeen Shabaabkii weerarka soo qaaday, isla markaana ay wali ku sugan yihiin dagaalyahanadii Macawsleyda.

Weerarkan ayaa imaanaya iyadoo Al-shabaab ay awood badan ku leeyihiin deegaannada galbeedka gobolka Hiiraan, kaddib markii laga saaray guud ahaan deegaannada bariga gobolka Hiiraan oo ay dagaallo culus ay ka dhaceen.

Bishii Oktoobar, ciidamada iyo maleeshiyaad ayaa Al-Shabaab ka xoreeyay inta badan gobolka Hiiraan ee bariga ka xiga wabiga Shabeelle.

HBN NEWS DESK

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed