Faah faahino ka soo baxaya dagaal culus oo Jubada Hoose ku dhexmaray Ciidanka Jubaland iyo ururka Al shabaab

Faahin faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya  dagaalka ka dhacay gobolka Jubada Hoose, dagaalkaan ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Buulo Xaaji ee hoos yimaado magaalada Kismaayo ee gobolkaas, waxana la soo sheegaya in u ahay mid culus oo deegaanka laga dareemay.

Dagaalka ayaa ka dashay howlgallo ay sameeyeen ciidamada Daraawiishta maamulka Jubbaland kaas oo ay ku qaadeen deegaanka Buulo xaaji oo ay ka war heleen in xubno ka tirsan Al shabaab u halkaas uu shir uga socday, waxana labada dhinaca dhexmaray dagaal fool ka fool ah balse khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay ilaa hadda lagama helin faah faahin dhab ah.

Balse saraakiil ka tirsan ciidamada Jubaland ayaa laga soo xigtay in jab xooggan ay gaarsiiyeen dagaalyahannada Al shabaab ee ay weerarka ku qaadeen, isla markaan ay ku raad joogaan, dhanka kale ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dagaalka u ahay mid culus oo ay ka dhasheen khasaaro iskugu jiro dhimasho iyo dhaawac, hayeeshee lama oga inta uu gaarsiisan yahay.

Deegaanka Buulo Xaaji ayaa la sheegay in saldhigyo ay ku la haayeen kooxda Al shabaab halkaas oo laga soo abaabuli jiray weeraro ka dhan ah maamulka Jubaland.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed