Faah faahino ka soo baxaya dagaal ba’an oo gobolka Hiiraan ku dhexmaray ciidanka dowladda iyo Al shabaab isla markaana lagu dilay xubno ka tirsan kooxdaas

Ugu yaraan shan ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab ayaa lagu dilay dagaal culus oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ku dhexmaray  wadada xiriirisa degmooyinka Buulaburte iyo Halgan ee gobolka Hiiraan.

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka ayaa warbaahinta  u sheegay in iska horimaadku uu ahay mid culus oo aad loo dagaallamay, kaddib markii ay isku soo uruureen kooxihii soo weeraray bulshada deegaanka. Saraakiisha ayaa intaa ku daray in dagaalka uu socday ku dhawaad ​​labo saacadood.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Al shabaab oo ay kaga hadleen dagaalkaan la sheegay in looga dilay dagaalyahanno badan.

Iska horimaadkan ayaa imaanaya maalin kadib markii ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya saaxiibo caalami ah ay meesha ka saareen dhowr maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, kadib duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday deegaan ku dhow degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan. Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa beegsaday xubno ka tirsan kooxda oo shir ku lahaa deegaanka Jicibow.

HB NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed