Faah faahino ka soo baxay howlgallo cirka ah oo laga fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Mudug oo lagu dilay xubno Al shabaab ah

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo gacan ka helaya saaxiibada caalamiga ah ayaa howlgal dhanka cirka ah, oo ka dhan ah Al-Shabaab waxa ay ka fuliyeen deegaanka Baraag Cali Gaduud ee gobolka Mudug, isla markaana waxaa ka dashay khasaaro kala duwwan.

Weerarka oo ka dhacay nawaaxiga degmada Xarardheere oo dhawaan laga saaray Al shabaab, ayaa waxaa lala beegsaday kolanyo ka tirsan Al-Shabaab oo ku socdaalayay wadada howdka ah. Labo baabuur ayaa la sheegay in ay gubteen kuwaas oo la bartilmaameedsaday.

“Weerarku wuxuu ka dhacay deegaan qiyaastii 31-km dhanka Koonfureed kaga beegan magaalada Xarardheere, wuxuu ahaa duqeyn cirka ah oo lala beegsaday gaadiid ay wateen horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab,” ayaa laga soo xigtay sarkaal ka tirsan ciidanka.

Faahfaahinta tirada shababaka  ku dhintay weerarka ayaan weli la xaqiijin. Ilo wareedyo dhanka ciidamada ah ayaa sheegaya in howlgalkan oo ahaa mid qarsoodi ah lagu dilay laguna dhaawacay dhowr sarkaal oo katirsanaa Al-Shabaab.

Dowladda ma aysan shaacin tirada horjoogayaal iyo xubnaha kale ee ka tirsan Al-Shabaab ee lagu dilay howlgalkan oo kusoo beegmaya xilli loo diyaar garoobayo wejiga labaad ee duullaanka.

Deegaanka Baraag Cali Guduud ayaa ka mid ah deegaanada ay wali gacanta ku hayaan Al-Shabaab ee gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya, waxaana dowladda ay qorsheyneysaa in ay ka xoreyso, sida horay u sheegeen saraakiisha ciidamada. Ilaa iyo hadda  wax war ah kama soo bixin saaxiibada caalamiaga ah taageero Soomaaliya.

HBN NEWS DSK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed